Jarmalka oo Daweynaya Dameero Laga Soo Qaaday Gaza Halka Ay Diideen Caruur Dhaawac Ah

(Sahan Post) — Go’aanka Jarmalka ee ay ku aqbaleen afar dameero oo laga keenay Gaza si looga daaweeyo dhaawacyo kasoo gaadhay dagaalka Gaza, halka dhanka kale ay gebi ahaanba ku diideen in la geeyo dalkooda carruur ku dhaawacantay isla dagaalkaas, ayaa dhaliyay caro iyo su’aalo ku saabsan sida dowladda Jarmalku ukala siisay mudnaanta bini’aadantinimada iyo xayawaanka.

Dameeraha ayaa lagu geeyay magaalada Oppenheim, iyagoo loo maray ururo u dooda xayawaanka oo Israa’iil leedahay. Warbaahinta Jarmalka ayaa soo bandhigtay “badbaadinta xoolaha,” balse dhaleeceeyayaal badan ayaa ku tilmaamay arrin muujinaysa laba-wejiilayn: Jarmalka wuxuu sanadihii 2024–2025 aqbalay dameero badan oo Gaza laga keenay, laakiin wuxuu diiday inta badan carruurtii kuw dhaawacantay dagaalkaas ee u baahneyd daaweyn degdeg ah.

Tan iyo bilowgii dagaalka, Jarmalku ma aqbalin wax carruur dhaawac ah oo reer Gaza ah, inkastoo magaalooyin badan oo Jarmal ah ay muujiyeen diyaar garow ay ku qaabili karaan boqolaal. Wadamo kale oo Yurub ah sida Spain waxay qaabileen carruur badan oo la daaweeyay. Laakiin Jarmalku wuxuu soo rogay xeerar adag oo NGOs ka dalba in ay dammaanad qaadaan in bukaanka iyo ehelkooda lagu celin doono Gaza, marka xaaladdan bani’aadaminimo ee daran dhamaato.

Caradu waxay korodhay kadib warbixinno sheegaya in ururo Israa’iili ah ay “badbaadiyeen” in ka badan 50 dameero oo Gaza ah, ayna si joogto ah ugu qaadeen xoolahan si lo daweeyo, halka ay diidey badbaadada caruurta.

Dadka dhaliilaya waxay ku tilmaameen dhaq-dhaqaaqyada noocan ah qayb ka mid ah “dagaal deegaanka lagu wado” oo ka dhacaya dhulka Falastiin, halka Israa’iil lagu eedeeyo inay baabi’iso khayraadka nolosha, beeraha, geedaha saytuunka, xoolaha, iyo gaadiidka. Waxay ku andacoodaan in Jarmalku qayb ka yahay “nadiifinta deegaanka laga dhigayo cudur-daar” oo lagu qariyo xasuuqa Gaza, iyadoo siyaasiyan, dhaqaale iyo ciidanba ay taageerayaan Israa’iil.

Sida ay dhaleeceeyayaasha u sheegeen: “Jarmalku wuxuu muujiyay naxariis uu u hayo dameeraha Gaza—laakiin ma uusan muujin carruurta Gaza.”

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading