Garoowe (Sahan Post):- Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Amniga Axmed Maxamuud Axmed ayaa maanta booqday Xarunta Taliska ciidanka Booliiska Puntland, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay Taliyaha Guud ee ciidanka Booliiska Gen Muumin Cabdi Shire.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ay ku jiraan Booliska cusub, waxaana uu bogaadin iyo dhiirigalin la wadaagay Ciidamada, iyadoo ujeedka kulanku ahaa hawlgelinta Ciidanka cusub ee Booliiska oo ka hawlgelaya degmooyinka Garoowe, Buurtinle iyo Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.
Dowladda Puntland ayaa horumarisay Booliska iyadoo lasoo saaray Booliis cusub kuwo kalena uu hadda tababar u socdo, waana qeyb ka mid ah Siyaasadda Dowladda ee dhismaha , tayeynta iyo tababarka Ciidanka Dowladda Puntland.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamuud Qaxiye iyo Saraakiil Madaxtooyo.
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.