Amaro Cusub oo Lagusoo Rogey Soomaalida Maraykanka oo Culays Kala Kulmaysa Dawlada Trump

President Donald Trump

Minnesota (Sahan Post):-Maamulka Trump, wuxuu maanta ku dhawaaqay inay billaabayaan baaritaan la xiriira canshuurta gobolka Minnesota oo la musuq maasuqay inay gaartay ururka al-Shabaab ee Soomaaliya , sida uu shaaciyay xoghayaha maaliyadda Mareykanka,Scott Bessent.

Tallaabadan waxay ka dhigantahay in la baarayo shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ka faa’iideystay mashaariicda dawladda , kuwa taageerrada ka hela barnaamijyada dawladda iyo halka ay lacagaha geeyeen. Waa arrin cadaadis leh oo suragal ka dhigaysa in hab siyaasadeed looga faa’iideyso Soomaalida gobolkaa oo malaayin doollar sannad walba u dira Soomaaliya , iyagoo ku taageerraya qoysaskooda, xilli toddobaadkan uu Trump yiri ; “ Ma jirto sabab Soomaaliya lacag loogu diro.”

Maxay ka dhigantahay ku dhawaaqistan?

Eedeymaha ah in lacag canshuur ah oo Minnesota laga ururiyay ay gaartay AS, xataa haddii aan weli la xaqiijin waxay leeyihiin saameyn weyn oo toos iyo dadbanba ah oo taabanaysa Soomaalida. Minnesota waa halka ugu badan ee ay ku urursan yihiin Soomaalida Mareykanka, waxaana dhacdadan loo arki karaa arrin halis ku ah sumcadda bulshada oo dhan.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading