Wasaarada Waxbarashada DFS oo Shaqaalaysiinaya 10.000 Macalin

Wasiirka Waxbarashada DFS Faarax Sh. Cabdulqadir

Muqdisho (Sahan Post):-Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay in ay dhameystiri doonto qorshaha 10,000 macallin oo ay wasaaraddu kafaalo qaadayso mushaaraadkooda iyo tababarkooda, si kor loogu qaado tayada waxbarashada dalka loona daboolo baahida macallimiin ee ka jirta dugsiyada kala duwan.

Wasiirka Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa sheegay in dhawaan la soo gebagabeyn doono hirgelinta qorshahan, kaas oo horey wasaaraddu u ballan-qaadday. Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid muhiim u ah xasillinta shaqada macallimiinta iyo horumarinta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Hadalkan wasiirka ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka qayb galay munaasabadda Maalinta Soomaaliyeed ee 22-ka November 2025, halkaas oo uu si cad ugu adkeeyay Wasaaradda Waxbarashada in la dedejiyo dhammaystirka diiwaangelinta macallimiinta weli ka maqan nidaamka.

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in wasaaraddu ay ka jawaabi doonto baaqa Madaxweynaha, isla markaana ay qorshahan la barbar socodsiin doonto tababar ballaaran oo la siinayo dhammaan macallimiinta hadda shaqeeya. Wuxuu xusay in diiradda la saarayo horumarinta manhajka waxbarashada, tayeynta xirfadaha macallimiinta iyo dib-u-dhiska dugsiyada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in isbeddelladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo goobaha laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, si loo yareeyo farqiga waxbarasho ee jira loona hubiyo in carruurta Soomaaliyeed helaan waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay.

Sahan Post

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading