Warbixin Sydney: Ugu yaraan 12 qof oo ku dhintay weerar toogasho ah oo ka dhacay Bondi Beach

Sydney (Sahan Post) – Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen kadib weerar toogasho ah oo xalay ka dhacay xeebta Bondi Beach ee magaalada Sydney, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha gobolka New South Wales, Chris Minns.

Minns ayaa sheegay in mid kamid ah dableyda weerarka fulisay uu dhintay, halka dabley kale lagu soo qabtay weerarka kadib, sida ay werisay Warbaahinta Qaranka Australia (ABC).

Taliyaha Booliska New South Wales, Mal Lanyon, ayaa ku tilmaamay weerarka mid argagixiso ah, isagoo xusay in baaritaan ballaaran uu socdo.

Adeegga gurmadka degdegga ah ee ambalaasta gobolka ayaa sheegay in 16 qof loola cararay isbitaallada, halka qaar kalena lagu daweeyay goobta uu weerarku ka dhacay. Telefishinka Nine Network ayaa soo sheegay in ilaa 20 qof ay rasaastu haleeshay.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in khatartii tooska ahayd ay hadda dhammaatay, balse waxay shacabka ugu baaqeen inay ka fogaadaan aagga Bondi Beach inta baaritaannadu socdaan.

Mid kamid ah dableyda weerarka fulisay ayaa lagu magacaabay Naveed Akram, kana soo jeeda xaafadda Bonnyrigg ee koonfur-galbeed magaalada Sydney, sida ay ABC soo xigatay mas’uul sare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka. Mas’uulkaas oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay in guriga Akram ee Bonnyrigg ay boolisku haatan baarayaan.

Dhacdadan kadib, munaasabad Hanukkah ah oo lagu waday in lagu qabto magaalada Melbourne ayaa la baajiyay, iyadoo bulshada Yuhuudda ee halkaasi ku nool la geliyay feejignaan sare, sida uu qoray wargeyska Herald Sun.

Weerarka toogashada ah ayaa dhacay abaare 6:40 fiidnimo waqtiga maxalliga ah, kadib markii ugu yaraan labo nin oo ku hubeysnaa qoryo awood culus ay rasaas ku fureen dad badan oo ku sugnaa goobta.

Booliska ayaa waxyar kadib 7:00 fiidnimo soo saaray digniin ay shacabka ku wargelinayeen inay ka fogaadaan goobta, islamarkaana cid kasta oo halkaas ku sugan ay gabaad raadsato.

Ra’iisul Wasaaraha Australia, Anthony Albanese, ayaa sheegay in muuqaallada ka dhacay Bondi Beach ay yihiin kuwo “argagax leh”, halka Ra’iisul Wasaaraha New South Wales, Chris Minns, uu ku tilmaamay dhacdada mid aad u murugo badan oo gilgishay bulshada Australia.

Sahan Post.

info@sahanpost.com


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading