
Garowe: Hay´ada sharci dejinta maamulka Puntland ayaa ka gaabsatay oo aan wax war ah kasoo saarin heshiin dhowaan magaalada Nairobi ku dhex maray labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.
Heshiiskan ayaa qodobada dooda sharciyeed dhaliyey waxaa ka mid ahaa in Puntland ay soo dhoweysay gooni isu taago Somaliland, kuna garab istaagayso rajadeeda. Isla markaasina wasiir ka tirsan maamulkaasi uu sheegey buuraha Calmadow inay ka tirsan yihiin Somaliland. Tan ayaa kusoo aadaysa iyadoo bil kahor madaxda dhaqanka Puntland ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin maamulka Puntland.
Xisbiyada mucaaradka Puntland ayaa isfahanka labada maamul ku tilmaamay mid meel marsan qorshihii iyo axdigii loo aas aasay Puntland, isla markaasna uu ka hor imanayo qorshaha midnimada Soomaaliyada.
Xildhibaan ka tirsan golaha Puntland Axmed Kuluc, oo kasoo jeeda Gobolka Sanaag ayaa barta Facebook-giisa ku daabacay aragti, isagoo saxayey hadal wasiirka arimaha Gudaha Puntland Abdi Farah Juxaa uu ku sheegay, in Calmadow ay ka tirsan tahay maamulka Soomaaliland. Kuluc wax su´aal ah ma gelin heshiiskan oo mugdiga geliyay masiirka deegaan doorashadiisa, balse wuxuu isku dayey inuu toosiyo hadalka wasiir Juxaa.

Hadaba hay´ada dhanka Sharciga ugu sareysa Puntland ee Baarlamaanka ayaan wax war ah kasoo saarin, sharci ahaanshaha isfahan kan ee dhexmaray Puntland iyo Somaliland, oo ah mid salka ku haya dano siyaasadeed iyo geediga doorashada 2026 ee Muqdisho. Hay´adan ayaa awood u leh in ay dalbato heshiis kasta oo masiirka umada quseeya, waxaanse weli cadayn talaabada ay qaadi doonto.
Xafiiska Wararka Sahan
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.