
Baydhabo (Sahan Post):- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay howlgalkii maleeshiyaadka Khawaariijta looga sifeeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo. Isla markaasina xukunka lagaga maroojiye Madaxweynihii Hore Cabdi-Casiis Lafta Gareen
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo saraakiisha Ciidanka Deegaanka.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa qiimeynta xaaladaha amni ee magaalada Baydhabo, halkaas oo ay shalay gaareen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo dardargelinta howlgalada amniga ee ka socda magaalada iyo deegaanada ku hareereysan.
Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin ka siiyay howlgalkii guuleystay ee lagu sifeeyay Khawaariijta wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyay ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo oo ah caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa saraakiisha iyo guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida uga mahadceliyay naf-hurnimadooda ku aaddan difaaca qarannimada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Lafta Garoon ayaa laga xoog lagaga qaaday xukunka Koonfur Galbeen oo uun dhowr cisho ka hor loo doortey, tan oo albaabada u furtay in siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ahaa, oo aan magaaladaasi booqan in mudo ay dib ugu soo laabtaan.
Sahan Post
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.