
Gaalkacayo (Sahan Post):- Israsaas ay is dhaafsadeen laba ciidan oo kawada tirsan Puntland ayaa waxaa ku geeriyootey labo askari oo ka kala tirsan ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Puntland. Is-rasaaseyntan oo xalay ka dhacday gudaha magaalada Gaalkacyo, taas oo dhexmartay Ciidanka Booliska oo hawlgal ku jirey iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland dhanka kale.
Ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo Gaalkacyo u tagay askar qoryo la goosatay ayaa la sheegay in ay jidka u galeen ciidan ka mid ah Daraawiishta, taas oo keentay is-rasaaseynta dhexmartay labada dhinac.
Ma aha markii u horeysey ee is rasaasayn ciidan ka dhalato geeri, weli wax ah ah kamasoo saarin Maamulka Puntland arintan.
Sahan News Desk
info@sahanpost.com
Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds
Subscribe to get the latest posts sent to your email.