Jubaland oo Qorsheynaysa Habkii ay uga Hortegi lahayd DFS

Kismaayo (SahanPost): Golaha wasiirada Jubalanda oo uu shir gudoominayey madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shirkooda Golaha Wasiirrada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyo sidoo looga hortegi lahaa maamul cusub oo dhowaan Dawlada Federaalku ku hawlantahay ka barbar dhisitaankiisa kan Jubaland.

Golaha Wasiirrada ayaa dood dheer ka yeeshay faragelinta sharci-darrada ah ee Dowladda Federaalka ay ka waddo deegaanada Jubaland, gaar ahaan gobolka Gedo, taas oo laga digay in ay sababi karto colaado hor leh iyo isku dhacyo keeni kara khasaare kala duwan.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa maanta ansixiyay Xeerka Xirfadlayaasha Caafimaadka ee Dowladda Jubaland, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyo Miisaaniyadda Sanadeedka 2026, oo cadadkeedu yahay 67,213,424.21.

Maamulka Jubaland ayaa wajahaya weeraro siyaasadeed iyo kuwo colaadeed oo kaga imanaya dhanka DFS oo ku hawlan inay ka hirgeliso maamul cusub gobolka Gedo, iyadoo raacaysa habkii loo hirgeliyey maamulka Waqooyi Bari Laascaanood.

Xafiiska Wararka Sahan.


Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

error:

Discover more from SahanPost, Mapping The Nomad Minds

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading